Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dood Adag oo Maalintii Labaad Kasocota Fadhiga Baarlamaanka
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:318
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 06 2007
Dood Adag oo Maalintii Labaad Kasocota Fadhiga Baarlamaanka
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 06 November 2007
Baydhabo,(insidesomalia.org) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad dood adag ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, halkaas oo la doonayay in Baarlamaanku ka dodo go'aamadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta oo qodob ka mid ah uu dhigayay in la furo Baarlamaanka si wasiirada Dowladda looga qaato dibadda Baarlamaanka.

Baarlamaanka oo sida muuqatay u qeybsanaa labo qeybood ayaa qeyb ka mid ah waxay ku doodeysay in loo baahan yahay in la furo Baarlamaanka, isla markaasna duuduub ahaan loo qaato qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

Xubnaha kale oo ka soo horjeeda in ra'yi ka yimid shirkii dib u heshiisiinta la qaato, iyadoo aan marka hore sharciga loo eegin, waxayna isla xubnahani qabeen in dooda socota ay tahay sharcidarro iyagoo Guddoomiyaha ka codsaday in uu dib u dhigo Doodda oo shaciga la waafajiyo.

Xildhibaannadii maanta madasha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Salaad Cali Jeelle oo soo jeediyey in sharciga la raaco sida uu yiri isla markaasna wixii la doonayo in la bedello ee Dastuurka ku saabsan la keeno mooshin ay soo saxiixeen 93 xidhibaan oo laga rabo aqlabiyad dhan 184 cod, isagoo xusay in doodda hadda furan ay shacidarro tahay.

Wuxuuna xusay in xitaa qaabkii loo maareeyay qodobkii hore ee 11aad ee Ra'isal wasaarihii geddi ku baxay ee Axdiga aysan weli ku qanacsanayn qaabkii loo meel mariyey isla markaana uu weli taagan yahay, loona baahan yahay in la caddeeyo.

"Guddiga Dastuurku ma waxa ay howshiisu bilaabanaysaa marka la dhiso, mise marka Madaxweynuhu saxiixo" ayuu isweydiiyey Salaad Cali Jeelle.

Xildhibaan Cali baashi Xaaji Maxamuud ayaa isna sheegay in loo daneeyo ummadda Soomaaliyeed oo la furo Baarlamaanka, isla markaana Baarlamaanku aanu keligiis isku koobin xilalka dowladda, wuxuuna sheegay in hadda ay heystaan qiil, isla markaasna 2da qodob ee 46 & 47 mid waliba uu sharci yahay oo aan midna la tireynin.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >